Sida lagu baahiyey barta hay'adda International Fund for Agriculture Development (IFAD) waxa ay Soomaaliya loo saxeexat lacag ku dhow afartan milyan oo doolar taas oo lagu sheegay in lagu xasilinayo nolosha dadka reerguuraaga/beeraley ah.
"Barnaamijka Xasilinta Nolosha Reermiyiga (RLRP) ayaa bixiyey hanti maaliyadeed oo dhan $31.22 million si kor loogu qaado nolosha dadka saboolka ah si ay u gaaraan isku filnaansho cunneed isla markaana ay kor ugu qaadaan waxsoosaarkooda” ayaa lagu yiri warbixin ay hay’addu qortey
Tan ayaa noqonaysa dhaqaalihii ugu horreeyay ee IFAD bixiso intii Somalia laga cafiyey ‘deynta’.
"Horumarinta reermiyiga Soomaaliya waxa haystey dhowr caqabadood oo ay ugu horreyso xasilloonidarro amni, xaalufin xagga deegaanka ah iyo kaabayaashii dhaqaalaha oo xaddidan taas oo ay u sii raacdo fatahaado iyo abaaro soo noqnoqday” ayuu yiri madaxa ugu sarreeya hay’addani.
Dhanka kale Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa warfidiyeenka u sheegay in Soomaaliya loo furey jidkii maalgashiga iyo mashaariicda horumarinta ka dib deyn cafintii.
Maareeye waxa uu sheegay in mashruucan lagu hagaajinayo nolosha beeralayda si loo kobciyo noloshooda.
Maareeye waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in 11milyan oo kamid ah lacagta hadda ay gacanta ku hayaan.