Maxamed Abiib oo ka hadley xariggiisii iyo wixii laga rabey.

Monday October 07, 2024 - 17:09:57
Liibaan Jeexoow
Xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada ee maamulka Somaliland oo goordhaweyd warbaahinta la hadley ayaa sheegay in la rabey in xariggiisa dadka lagu kiciyo oo qalalaase ka oogmo gobollada Waqooyi.
Maxamed ayaa sheegay in uu isagu diyaar u yahay in aragtidiisa siyaasadeed loo dilo laakiin isagu in uu qof waxyeelleeyo aanu oggolayn.

"Ma ihi nin dhiig loo haliilayo iyo dhib waddankan ka dhacda lagu xalaalaysan karo, anigu waxaan aaminsanahay aragtidii Gaandi” Maxamed Abiib.

Dhanka kale waxa uu sheegay in jabhaddii SNM aan la wada lahayn ee ay ahayd jabhad cid gaar ah laakiin waxa la wada leeyahay ay tahay Somaliland.

"Waan ku celinayaa SNM maaha taariikh la wada leeyahay laakiin Somaliland ayaan wada leennahay” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaanka ayaa bilowgii bishii ina dhaaftey lagu xirey magaalada Hargeysa isaga oo ka soo kicitimay dalka Immaaraatka waxaana loo dhaadhiciyey jeelka Mandheera ee duleedka magaalada Berbera.

Muddadii uu xidhnaa waxa loo diidey in la booqdo waxaase mar dambe maxkamaddu soo amartey in la sii daayo, waxaana oodda laga soo qaaday 29 Sept, 2024.

Related Items

Update cookies preferences