23 Askari oo ka tirsan ciidanka dawladda oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalkii maanta ee Qeycad.

Tuesday October 15, 2024 - 17:01:26
Liibaan Jeexoow
Dagaal culus oo maanta ka dhacay deggaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayay wararku sheegayaan in khasaare culus lagu gaadhsiiyey ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya.
8 askari ayaa laga dilay ciidanka dawladda, waxa kale oo laga dhaawacay 15 askari. Waxaana goobtii lagu dagaallamay ku sugan oo jooga xoogagga Al-Shabaab.

Sida ay wararku tibaaxayaan weerarka waxaa lahaa oo marka hore qaaday ciidanka dawladda, balse jab xooggan ayaa gaadhay, waxaana la jabiyey tiraba 5 jeer.

Dagaalkan ayaa ku biiraya hawl-gallada aan kala joogsiga lahayn ee ka socda bariga Afrika laguna dhiig-bixinayo soo-duulayaasha afrikaanta ATMIS iyo daba-dhilifyadooda Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences