Jabuuti oo ka walaacsan xidhiidhka sii xoogeysanaya ee Ereteriya iyo Soomaaliya

Thursday October 24, 2024 - 10:10:42
Liibaan Jeexoow
Dawladda Jabuuti ayaa walaac weyn ka muujisay galaangalka cusub ee sii xoogaysanaya ee dawladda Eerateriya la samaynayso dawladda federaalka Soomaaliya.
Ilo-wareedyo ay war-fidiyeennada qaarkood soo xigteen ayaa sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle uu cabasho weyn u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Gurguurte, mar ay dhawaan kulan ku yeesheen caasimadda Jabuuti.

Cabashadan ayaa daarranayd walaaca ay Jabuuti ka qabto awoodda sii kordheysa ee uu Afwerki ka helayo xidhiidhka Soomaaliya, maadaama Jabuuti iyo Erateriya ay muddo badan ka dhexeysay xiisad colaadeed.

Geelle ayaa si gaar ah u soo hadal-qaaday kulankii saddex-geesoodka ahaa ee ka dhacay Eritriya oo dhex-maray Soomaaliya, Masar, iyo Eritriya, isagoo su’aal geliyay sababta shirkaasi loogu qabtay Asmara ee loogu qaban waayay Muqdisho.

Dowladda Jabuuti ayaa ka welwelsan in xidhiidhka dhow ee Gurguurte la leeyahay Eritriya uu sii wiiqayo mowqifka Jabuuti ee gobolka. Waxaana soo if-baxaya jahawareerka siyaasadeed ee sii xoogaysanaya ee ay wajahayso kooxda Villa Somaliya.

Related Items

Update cookies preferences