120 Askari oo ciidanka Itoobiya looga dilay gobolka Oroomiya.

Saturday November 02, 2024 - 13:45:41
Liibaan Jeexoow
Wadanka itoobiya ee dhaca geeska qaarada Afrika wuxuu martigalinayaa mid kamid ah dagaallada ugu culus ee dhaxmaraya jabhadaha hubaysan iyo nidaamka Addis Ababa.

Maalinkii jimcaha ciidanka jabhada Oromada ayaa weerar culus ku qaaday labo saldhig oo ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin ismaamulka Oromiya waxaana ka dhashay khasaare culus.

Weerarka koowaad ayeey maleeshiyaatka mucaaradka ku qaadeen xiro ciidan oo ku taalla magaalada Karaa, waxaana lagu dilay ilaa 67 askari.

Sidookale weerar xoogan ayaa lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla mandiqada Bacho Faluumi, waxaa isna lagu dilay 53 askari iyadoo lagu soo furtay hub , sida lau sheegay bayaan kasoo baxay jabhada mucaaradka Oromada.

Tirada guud ee ciidanka Itoobiya looga dilay dagaaladaasi ayaa ah 120 askari, waxuuna weerarkaan kusoo aaday iyadoo nidaamka Abey Axmad uu sheegay in uu diyaar uyahay in wadahadal uu la galo mucaaradka Oromada, balse ay dhankooda gaashaanka udaruureen ayna sheegeen in ay dagaalka wadayaan ilaa ay Addis Ababa ka qabsanayaan.

Related Items

Update cookies preferences