Mustafa Cagjar oo saxiixay in magaalooyin katirsan Soomaaligalbeed lagu wareejiyo Xabashida Itoobiya.

Sunday November 10, 2024 - 21:50:42
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka dhulka Soomaaligaleed ayaa la ogaaday in uu dowladda Xabashida Itoobiya usaxiixay qorshe cusub oo magaalooyin katirsan dhulka Soomaalida loogu gacan gelinayo Xabashida Itoobiya.
Warqad sir ah oo uu ku saxiixanyahay Mustafa Cagjar ayaa warbaahinta loosoo dusiyay waxaana warqadda ku xusan in magaalooyinka Mooyaale iyo Qabri Daharre laga daadgureeyo shacabka soomaalida ee deggan kadibna lagu wareejiyo maamul si toos ah utaabacsan Abiy Axmed.

Cagjar ayaa baarlamaanka Xabashida siiyay warbixin ah in labadan magaalo ay isku khilaafsanyihiin soomaalida iyo Oromada sidaas daraadeed uu isagu go'aansaday in Mooyaale iyo Qabridaharre laga saaro soomaalida laguna biiriyo ismaamulka Oromia.

Saraakiisha dowladda Xabashida ayaan weli wax jawaab celin ah kasoo saarin soo jeedinta ka timida Cagjar oo ah dabadhilif soomaalida udullaynaya Xabashida.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maamulka dabadhilifka Soomaaligalbeed uu sidoo kale ogolaaday in qowmiyadda Amxaarada ay xubno maamul ku yeeshaan maamulka magaalada Jigjiga arrinkaas oo ka caraysiiyay shacabka soomaaligalbeed ee gummeysiga ku hoos nool.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed talada Itoobiya la wareegay sanaddii 2018-kii ayay sii badanayeen tacadiyada ka dhanka ah shacabka ku dhaqan deegaanno katirsan dhulka Soomaaligalbeed.


Related Items

Update cookies preferences