Doorashada Somaliland oo saaka bilaabantay iyo Biixi oo sheegay inuu aqbalayo natiijada Guddida Doorashada [SAWIRRO].

Wednesday November 13, 2024 - 11:30:16
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in qof waliba ku qasban yahay in uu aqbalo natiijada ay soo saaraan Guddida Doorashooyinka ee maamulkaasu.
Somaliland ayaa maanta looga dareeray doorasho lagu soo saarayo musharraxii shanta sano ee soo socota hoggaamin lahaa.

Warbaahinta ayaa saaka goor horeba baahisey saddexda tartame ee maamulkaas Muuse Biixi, Faysal iyo Cirro oo codkooda dhiibanaya. Dhanka kale waxa isna kelmad jeediyay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici oo isna ku baaqey in la aqbalo natiijada.

Musharraxiinta Waddani iyo Ucid oo dhankooda hadley ayaa iyagu dadka ugu baaqey in ay nabad ku codeeyaan. Shacabka deegaannadaa ku dhaqan ayaa codkooda dhiibanaya waxaana la sheegayaa in doorashadu ku egtahay lixda maqribnimo/fiidnimo maaddaama oo sanaaduuqda la furayey lixda subaxnimo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in goobaha qaar lagala habsaamay sanaaduuqdii lagu codeyn lahaa waxa aanay dalbanayeen in wakhtiga loo kordhiyo. Natiijada doorashada ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo 21 November, 2024.

Related Items

Update cookies preferences