Trump oo qarka u saaran inuu aqoonsado maamulka Somaliland.

Wednesday November 20, 2024 - 08:47:21
Liibaan Jeexoow
Sida uu daabacay mid ka mid ah joornaallada kasoo baxa gudaha dalka Ingiriiska, madaxweynaha cusub ee Donald Trump marka uu yimaaddo xafiiska 20/01/2025, ayaa laga yaabaa inuu aqoonsi buuxa siiyo maamulka la baxay Somaliland.
Wargeyska Independent oo soo xiganaya Gavin Williomson oo mar soo noqday xoghayaha wasiirka difaaca Ingiriiska, ayaa sheegay in Trump ay ka suurowdo qaadista tallaabadan, waliba sida ugu dhakhsiyaha badan.

Williomson waxa uu sheegay in wada-hadallo dhawr ah oo ku saabsan aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland uu la yeeshay kooxda Trump, iyagoo ku kulmay tallaabooyin soo dhawaynaya suuro-galnimada in middaasi uu qaado madaxweynaha Maraykanka loo doortay 4-ta sano ee socda.

Waxa uu sheegay Gavin, isagoo carabka ku adkaynaya inuu si aada ugu kalsoonyahay in Trump uu arrintan qaadi doono marka uu xafiiska la wareego bisha Jannaayo ee soo aaddan.

Haddii tallaabadani ay dhacdo ayaa la saadaalinayaa inuu xoogaysan doono, khilaafka u dhexeeya maamulka Somaliland iyo DF-ka Somaliya ee fadhigoodu yahay magaallada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxa kale oo suuro-gal ah in arrintani ay caqabad ku keeni doonto cilaaqada u dhexeysa Maraykanka iyo kooxda Villa Soomaaliya. Maadaama Xasan Gurguurte oo si weyn uga soo hor-jeedo aqoonsiga Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences