Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku dhaqaaqday tallaab muujinaysa in ay yihiin la-heystayaal u afduuban shisheeyaha kusoo duullay Soomaaliya.
Gummeystaha Ingiriiska ayaa mas'uuliyiinta ugu sarraysa DF-ka uga yeeray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu qabtay xaflad loogu dabaal-degayay dhalashada boqorka wadankaasi.
Xasan Gurguurte iyo xubnihiisa wasiirrada ayaa kasoo muuqday iyagoo ku sugan xero ciidan oo ku taal Xalane, safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxa DF-ka ay ka qeyb-galeen xaflad loo sameeyay dhalashada Charles-ka sedaxaad ee Ingiriiska xukuma.
Muuqaallo laga soo qaaday Xalane ayaa muujinayay Xasan Gurguurte iyo siyaasiyiin kale oo u dabaal-degaya dhalashada boqorka Ingiriiska isla markaana gadaashooda ay ka muuqdeen difaacyo ciidan.
Baraha bulshada ayaa si aad ah layskula dhex-qaaday sawirrada madaxda DF-ka ee Ingiriiska u dullaysan, kumananaan Soomaali ah oo arrinkan ka fal-celiyay ayaa ku tilmaamay ihaano daran oo ay dhex-muquuranayaan siyaasiyiinta dabadhlifyada Soomaalida.
"Dowladnimadii soomaaliya ee umadda lagu maaweelinayay waxay kusoo aruurtay in madaxdii dhan ay tagaan Xalane si ay uga qeyb galaan dhalashada oday caddaan gummeyste ah,kuwaan ayaa sheeganaya madax banaani iyo milgo"ayuu yiri mid kamida dadkii ka falceliyay fadeexadda ku habsatay Xasan Gurguurte iyo saaxiibadiis.
Arrinta kasii fool xun ayaa ah in wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Xamza Cabdi Barre ay soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegayso in ay u dabaal-degayso dhalashada boqorka ingiriiska!