Wasaaradda Dibedda ee dalka Finland ayaa shaaciyey in ay goysay lacagihii ay siin jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Finland ayaa tan ku sababaysay ka dib markii Soomaaliya ka dhego adaygtey in ay qaabisho qoxoontigeeda sida sharci darrada ah ku jooga Finland.
Warsaxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Dibedda ee dalkaas ayaa lagu yiri "Wasaaradda Dibedda ee Finnishku waxa ay si ku meel gaar ah u hakinaysaa mashaariicdii horumarineed ee ay jaalka kula ahayd Somalia”
Waxa kale oo ay intaa ku dareen in Soomaaliya ka dhego adeygtey codsi uga yimid Baarlamaanka Yurub kaas oo tibaaxayey in Soomaaliya dib ula noqoto muwaadiniinteeda sida sharcidarrada ah ku jooga waddamada Waqooyiga Yurub.
"Hakinta macnaheedu waxa weeye, ma jiri doonto mashaariic dambe oo laga fuliyo Soomaaliya ilaa laga aqbalo xeerkan cusub” Wasiirka Dibedda iyo Ganacsiga Finland Ville Tavio
Finland ayaa sheegtay in lacago u dhexeeya €8–9 million oo Yuuro ay siin jireen Soomaaliya sannadkii. Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Federaalka ayaa la sheegay dhawaan in uu Jarmalka ka aqbaley in ay soo celiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.