Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika ayaa sheegaya in isbedello dhanka maamulka ah ay ka xasileen mid kamida gobollada wadankaasi.
Kadib dagaallo culus oo saacado badan qaatay ayay ciidanka Melleteriga xukuumadda Suudaan ugu suurtagashay in ay dib ula wareegeen wilaayada Sinnaar ee dhacda Koonfur bari wadankaasi.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegeen magaalada Sanjah oo ah caasimadda gobolka Sinnaar kadib markii ay ka adkaadeen maleeshiyaadka kooxda Janjawiidka Dacmu Sariix ee Imaaraatka Carabta uu taageero.
Muuqaal Video ah oo lagu faafiyay barta ciidanka Suudaan ayaa muujinayay kumanaan askari oo gudaha magaalada sii gelaya islamarkaana lawareegaya gaadiid dagaal iyo hub ay ka furteen xoogagga mucaaradka.
Khaalid Cali Al-Casiir oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Suudaan ayaa sheegay in howlgalka dib loogu qabtay magaalada Sanjah uu ahaa mid qorshaysan oo ay ka qeyb galeen guutooyinka kala duwan ee ciidamada.
Magaalada Sanjah ayaa qiyaastii 400Km ujirta Kharduum oo caasimadda ah waxayna isku xirtaa dhowr gobol oo ay kamid yihiin Alqadaarif,niilka Buluugga ah iyo wilaayada Alkhurduum.
Tallaadan uu Melleteriga Suudaan dib ugula wareegay ayaa imaanaysa isbuuc kadib markii ay dowladda Ingiriiska ku fashilantahay mashruuc ay hor geysay waxa loogu yeero golaha ammaanka, mashruucaas oo dhigayay in ciidamo shisheeye lageeyo Suudaan si ay ajandayaal gummeysi u fyliyaan.