Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii u dambeeyey hawl-gallo kala duwan ka fuliyey deggaanno hoos-taga gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Gaari Saksiik ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka la baxay Jubbaland ayaa shalay qarax lagula beegsaday, duleedka degmada Ceel-waaq.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in gaariga la qarxiyey uu burburay, kaas oo uu watay Cabaas Ibaahim Gurey oo ah taliyaha ciidanka isku magacaabay daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa la sheegayaa in uu ka badbaaday qaraxaasi, balse waxaa ku dhaawacmay sarkaal u qaabilsanaa dhanka maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Af-dawaco.
Gaadhiga la qarxiyey ayaa muuqaalkiisa lagu baahiyey baraha bulshada waxaana ka muuqda burbur ba'an oo gaaray baabuurkaasi.
Dhanka kale, xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday xerada WFP ee maleeshiyaadka dawladdu ku leeyihiin degmada Garbahaarey.
Hawl-galladan xiriirka ah ee ay fulinayaan xoogagga Al-Shabaab ayaa dhiig-bax joogta ah ku ah ciidamada soo duulayaasha afrikaanta iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee daba-dhilifka ah.