Diyaarado qal-qal geliyey saldhigyada Maraykanka ee Ingiriiska iyo cabsi laga qabo Nukliyeerka Ruushka.

Monday November 25, 2024 - 14:12:38
Liibaan Jeexoow
Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan heybtooda ayaa qal-qal geliyay Saldhigyada Ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin dalka Ingiriiska waxaana jirta cabsi laga qabo in Ruushku isticmaalo hubka Niyugleerka.
Saddex saldhig oo muhiim ah oo ay Ciidamada Cirka ee dowladda Mareykanka (USAF) ku leeyihiin bariga dalka Ingiriiska ayaa lagu arkay diyaarado aan la aqoonsan cidda leh oo aan duuliyayaal lahayn (drones).

Saldhigyadan, oo ay ku jiraan, Saldhigyada loo yaqaan RAF Lakenheath, RAF Mildenhall, iyo RAF Feltwell, ayaa muhiim u ah hawlaha difaaca iyo weerarka Mareykanka ee Yurub.

Sida ay shegeen warbaahinada reer galbeedka iyagoo ka soo xigtay warbaahinta Associated Press, Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ayaa wali wada baaritaan ku aadan Dhacdadan iyadoo wali aan la ogaan cidda leh diyaaradahaasi ama ujeedkooda.

Sida lagu xusay warbixin ka soo baxday joornaalka New York Post ee laga leeyahay dalka maraykanka, ayaa lagu sheegay in diyaaradahan la arkay ay ahaayeen kuwo kala duwan, cabbir ahaan iyo qaab ahaanba, taasoo keentay in laga walaaco amniga hawada sare ee saldhigyadan.

Ciidamada Cirka ee Mareykanka waxay ku adkaysteen in nidaamyada amniga ee goobahaasi ay yihiin kuwo adag, waxaana lagu kordhiyey tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo ilaalinta hawada.

Dhacdooyinkan ayaa yimid xilli xiisadaha caalamiga ah ay meel sare marayaan, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya Ruushka iyo Reer Galbeedka oo sii xumaanaya.

Sida laga soo xigtay warbaahinta The Sun ee laga leeyahay dalka ingiriiska, Saldhigyada la beegsaday waxay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah oo culus.

RAF Lakenheath waa hoyga qeebta loo yaqaan 48th Fighter Wing, oo ah aasaaska awoodda dagaalka ee Mareykanka ee Yurub.

RAF Mildenhall ayaa ah xarunta shidaal-siinta diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka. Halka RAF Feltwell, isna loo isticmaalo taageerada ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Xisaddan cusub ayaa kor u qaadaysa walaaca laga qabo bartilmaameedsiga saldhigyadan, gaar ahaan marka la eego hanjabaadaha Ruushka ee ku wajahan awoodaha milatari ee Mareykanka iyo Ingiriiska.

Putin ayaa isbuucii lasoo dhaafay ku hanjabay in uu adeegsanayo hubka wax baabi'iya ee Niyugleerka kadib markii ay Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub ay Yukreyn u ogolaadeen gantaallada ridada fog ee beegsanaya magaalooyinka waaweyn ee Ruushka.

Related Items

Update cookies preferences