Xoogagga islaamiga Suuriya oo qarka u saaran in ay la wareegaan caasimadda labaad ee waddanka [SAWIRRO]

Saturday November 30, 2024 - 11:11:35
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga islaamiga Suuriya ay horumar wanaagsan ka sameynayaan dagaalka culus ee ay uga jiraan waqooyi galbeed wadankaas.
Golaha melleteriga ee howlgalka "iska caabinta" ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in ciidamadoodu ay la wareegeen 7 kamid ah xaafadaha ugu muhiimsan magaalada Xalab.

Xarunta ay xoogagga islaamiga ah qabsadeen waxaa ka mid ah xaafadda Jaamaca Al Umawi,Xalab aljadiid, qasriga madaxtooyada gobolka, qalcadda caanka ah ee Xalab iyo faras-magaallaha.

Bayaanka kasoo baxay xoogagga ayaa lagu yiri "ciidamadeenu waxay wadaan taqadum ballaaran iyagoo la wareegay in ka badan kalabar magaalada waxayna ku howlan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magaalada, saacadaha soo socda ayaan rajeynaynaa in aan si dhammeysriran u xoreyno Xalab oo idil".

Goob-joogayaal ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in ciidanka nidaamka Bishaar Al Asad ay isaga firxadeen magaalada, khamiistii lasoo dhaafay ayay xoogaga mucaaradka waxay soo qabsadeen dhammaan galbeedka Xalab iyagoo jimcihii billaabay howlgalka furashada Xalab.

Taqadumkan ayaa ah midii ugu weynaa uguna saameynta badan muddo ku siman 5 sanadood oo xulufada Ruushka iyo Iiraan ay Sunniyiinta ka riixeen inta badan gobollada waqooyiga Suuriya.

Related Items

Update cookies preferences