Ugu yaraan 600 oo askari oo ka tirsan maleeshiyada Gurguurte oo isku dhiibay ciidanka Kenya.

Saturday December 14, 2024 - 09:33:12
Liibaan Jeexoow
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in boqollaal ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay isku soo dhiibeen , kuwaas oo kasoo tallaabay xad-beenaadka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii lagu soo jabiyay dagaallo ay la galeen maleeshiyaadka maamulka Jubbaland oo ka dhacay deegaanka Raaskaambooni.
Warbixin uu daabacay wargeyska The Nation oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa Kenya, ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ee kasoo tallaabay xad-beenaadka ay tiradoodu gaareyso ugu yaraan 600, kuwaasoo watay hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo KDF ayaa sheegay, in maleeshiyaadkaas ay gacanta ku hayaan ay ku sameeyeen hub-ka-dhigis.

Xoghayaha arimaha gudaha ee Kenya ninka lagu magacaabo Omolo ayaa sheegay, iney aad u xakameeyeen boqollaalka maleeshiyaadka ah ee isku soo dhiibay, ayna qorsheynayaan sidii ay dib ugu celin lahaayeen dalka Soomaaliya.

Arintan ayaa fadeexadii ugu weyneyd ku noqotay kooxda Gurguurte oo maalmo ka hor ku hanjabeysay iney tagi doonaan magaallada Kismaayo ee uu gacanta ku hayo Axmed Madoobe.

Dowladda Kenya ayaa bahdilkii ugu weynaa u geysatay maleeshiyaadka Soomaalida ah kadib markii ay kasoo qaadday sawirro iyagoo gacmaha taagaya, hub-ka-dhigisna lagu sameynayo.

Related Items

Update cookies preferences