Madaxweynaha cusub ee maamulka la baxay Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa magacaabey xilkii ugu horreeyay ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii maamulkaas ee bil ka hor.
Cirro ayaa Afhayeenka Madaxtooyada u magacaabey nin lagu magacaabo Xuseen Aadan Cige(Deyr) oo la soo shaqeeyay xukuumadihii hore ee SL.
Tan ayaa ka dhigan in Deyr uu akhriyi doono Golaha Wasiirrada ee maamulkaas oo la rajaynayo in maanta lagu dhawaaqo.
Xuseen-Deyr ayaa hore u soo noqday Afhayeenka Madaxtooyada SL xilligii Siilaanyo.
Waxa kale oo wararku sheegayaan in uu mar soo noqday Wasiirka Ganacsiga ee isla Xukuumaddii Siilaanyo.