15 askari oo laga dhaawacay maleeshiyada Jubbaland iyo qarax lagu beegsaday NISA.

Saturday December 14, 2024 - 17:48:55
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa maanta weerar culus ku qaaday xero ay joogeen maleeshiyada Axmed Madoobe.
Weerarkan ayaa ahaa madaafiic lagu garaacay xerada Buulo Xaaji ee duleedka Kismaayo, waxaanay dhammaantood ku hoobteen gudaha xerada.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya dhaawaca ugu yaraan 15 askari oo ka ka tirsan maleeshiyada Jubbaland.

Dhanka gobolka Banaadir, waxaa maanta ka dhacay qarax ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen bar Kantarool oo ay joogeen maleeshiyada NISA.

Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Abagado ee demada Dharkenley ayaa geystay dhaawaca 1 askari oo ka tirsan maleeshiyada jawaasiista NISA.

Weerarradan joogtada ah ayaa dhiig-bax daran ku ah ciidamada soo-duullay ee gumaysiga afrikaanta iyo maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences