Warbaahin caalamiya oo saacadihii u dambeeyey hadal-hayay aqoonsiga Somaliland.

Saturday December 14, 2024 - 18:22:19
Liibaan Jeexoow
Qaybo ka mida warbaahinta caalamka ayaa saacadihii ugu dambeeyey hadal-hayay aqoonsi ay sheegeen inay Somaliland helayso sanadkan soo socda ee 2025.
Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayay warbaahintu tibaaxaysaa in uu aqoonsanayo Somaliland horraanta sannadka cusub ee 2025-ka.

Warbaahin kala duwan ayaa isticmaalaya hal cinwaan oo ay ku muujinayaan aqoonsiga Somaliland, iyadoo ol’olaha ugu badani uu ka socdo barta "X” ee horey loo oran jiray Twitter.

"Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donlad Trump ayaa si rasmiya u aqoonsanaya Somaliland oo ah dalka ugu cusub ee muslimka ah” waa cinwaanka ay warbaahinta caalamku wada-jirka u qaateen.

Dad badan oo qayb ku lahaa ol’olihii doorashada ee Trump ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu sanadka cusub aqoonsanayo Somaliland.

Sidoo kale qaar ka mida falanqeeyayaasha siyaasadda ee arrimaha Afrika ayaa iyaguna faallooyin ka dhiibanaya aqoonsiga Somaliland.

Arrintan ayaa la sheegayaa inay soo shaac-baxday xilligii ol’olaha doorashada Maraykanka oo lasoo bandhigay document ka kooban 9 boqol oo bog oo qeexaya qorshayaasha Trump ku fulin doono boqolka maamlmood ee u horeeya oo ay ku jirto aqoonsiga Somaliland.

Guud ahaan dalalka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka ayaa damacsan in uu saldhig millateri ka samaysto magaallad Berbera, halkaas oo uu rabo in uu kaga duulla dadka muslimiinta ah.

Related Items

Update cookies preferences