War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Warfaafinta ee Al-Shabaab ayaa lagu beeniyey hadalkii kasoo yeeray waziirka arimaha dibadda maamulka Somaliland ee ahaa in dagaalyahano katirsan Shabaabul Mujaahidiin ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Bayaanka oo nuqul kamid ah ay daalacatay SomaliMeMo ayaa lagu yiri " Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag u beeninaysaa hadal maanta oo Khamiis ah kasoo yeeray maamulka ridada ah ee isku magacaabay Somaliland, kaas oo wasiir u hadlay uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas ridada ah uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn.
Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Hargeysa ayaa caddeymo uu siiyay BBC-da wuxuu ku sheegay in dagaalyahanno katirsan Jihaadiyiinta ay ku lug leeyihiin Colaadd Laascaanood arrinkaas oo umuuqday marmarsiimo ay 'Somaliland' usameysanayo xasuuqa ay ku hayso shacabka rayidka ah.
"Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood, wuxuuna maamulka ridada ah ee isku magacaabay Somaliland doonayaa inuu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka, si ay ugu taageeraan gumaadka uu ku hayo bulshada Laascaanood" ayaa mar kale lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Halkan ka degso bayaanka PDF