Taliye katirsan ciidanka Koonfur Galbeed oo lagu dilay degmada Bardaale.

Monday September 30, 2024 - 11:25:15
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Baay ee ay maamulaan ciidamada Xabashida Itoobiya.
Qarax shalay ka dhacay gudaha degmada Bardaale ayaa lagu dilay taliye sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ee uu madaxda ka yahay Laftagareen.

Qaraxa oo mas'uuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab waxaa ku dhintay Yuusuf Macalin Ibraahim oo ku magac dheeraa Madaxeey kaasi oo ahaa taliyaha ciidamada Daraawiishta degmada Bardaale.

Taliyaha dhintay ayaa xiriir dhow lalahaa ciidamada Xabashida Itoobiya oo uu kala shaqeyn jiray sugidda amniga isagoo mas'uul ka ahaa maleeshiyaad dabadhilifyo ah oo carratuur u ahaa ciidanka Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences