Dagaal culus oo labo beelood ku dhex-maray degmada Luuq.

Sunday October 20, 2024 - 11:51:01
Liibaan Jeexoow
Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Xilli dambe oo xalay ah ayuu bilawday waxaanu soo gaadhay ilaa subaxdii saaka, kaas oo dhex-maray maleeshiyaad kala taabacsan labo beelood oo wada dega degmada Luuq.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalkan oo haatan qaboobay uu socday dhawr saacadood, isla markaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Tirada dhimasho ee labada dhinac soo kala gaadhay ayay wararku sheegayaan inay ku dhaw dahay 10 ruux, halka dhaawacuna intaasi kasii badan yahay.

Sida ay wararku tibaaxayaan Xabbadda ayaa haatan u muuqata mid istaagtay, balse cago buuran kuma taagna, oo labada ciidan waa ay is hor-fadhiyaan, waana keeb-la-yuurur.

Dadka ku nool degmada Luuq ayaa bilaabay inay halkaasi ka barakacaan, kadib markii ay magaalladu isu bedeshay goob dagaal.

Dirirtan ayaa si rasmiya usoo bilaabantay dhawr bilood ka hor, tan iyo xilligaasna ma jirto cid wax ka qabatay colaadda labadaasi beellood.

Maamullada daba-dhilifyada Jubbaland iyo dawladda Federaalka oo la odhan karaba hurinta colaaddaba qayb ayay ka yihiin, ayaa ku fashilmay waan-waan u muuqatay ‘igu sawir’ oo ay sheegeen inay ka dhex wadaan labada beelood.

Related Items

Update cookies preferences