Ciidanka Suudaan oo RSF ka qabsaday deegaanno muhiim ah iyo Mas'uul isku dhiibay Jeneraal Al-burhaan.

Monday October 21, 2024 - 13:47:45
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in guul-darro weyn dhabarka loo saaray maleeshiyaadka loogu yeero RSF ee Imaaraadka Carabta uu taageero.
Melleteriga Suudaan ayaa shalay dagaal kula wareegay dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Aljazeera ee dhaca duleedka magaalada caasimadda ah ee Kharduum.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa fallaagada kala wareegay degmada Albadaanah, wararka ayayaa intaas ku daraya in safka ciidamada xukuumadda uu ku biiray taliye sare oo ka tirsan kooxda RSF.

Abuu Caaqilah Max'med Axmed oo lagu tiriyo mas'uulka 2aad ee dhanka ciidamada u qaabilsan kooxda Imaaraatu taageero ayaa u wareegay dhanka Jeneraal Alburhaan.

Isagoo wata boqolaal dagaalyahan iyo gaadiid dagaal ayuu isdhiibay wuxuuna sheegay in uu dagaal adag la geli doono maleeshiyaadka Kooxda Dacmu Sariic oo uu ku sifeeyay burcad doonaysa in ay kala qeybiso shacabka Suudaan.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in isbuucyada soo socda uu gobolka Aljaziira kusoo dhici doono gacanta melleteriga Suudaan maadaama taliyihii gobolka mas'uulka uga ahaa fallaagada uu dowladda ku biiray.

Dagaalka Suudaan oo hal sano iyo bar socda ayaa galaaftay nolosha kumanaan qof waxaana talada wadanka ku loollamaya Jeneraallo dhiigyo-cabya ah.

Related Items

Update cookies preferences