Faysal Cali Waraabe oo hadiyad xagga rabbi ka timi ku tilmaamay heshiiskii MOU-ga ee Abiy iyo Biixi.

Thursday October 31, 2024 - 15:15:10
Liibaan Jeexoow
Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha iyo musharraxa madaxweyne ee xisbiga UCID oo ka mida xisbiyada maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay haddii uu doorashada ku guulaysto in gabi ahaanba uu bedeli doono magaca Somaliland.
Guddoomiyaha oo arrimo dhawr ah wax laga waydiiyey ayaa sheegay in magaca Somaliland iyo magackastoo muujin kara astaan Soomaalinimo uu ka fogaan doono, kuna bedeli rabo "Jamhuuriyadda Geeska Afrika”.

Waraabe ayaa dhanka kalena xusay in uu sharci u samayn doono dadka kasoo jeeda Soomaaliya inteeda kale ee ka shaqaysta gudaha Somaliland, wixii kalena uu tarxiili doono.

Heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muusi Biixi la galay Abiy Axmed ayuu Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay inuu ahaa raxmad iyo hadiyad xagga Rabbi uga timi.

Waraabe ayaa carabaabay in Itoobiya cidda la dagaallantay ee colaaddu kala dhexaysay ay ahayd Somaliland kadib markii ingiriisku 1964-kii ku wareejiyey Hawd and Reserve Area, taasina ahayd khalad dhacay.

Mar Ina Cail Waraabe la waydiiyey waxa uu kaga duwan yahay musharraxiinta kale ee tartanka kula jirta ayuu sheegay in uu ka tacliin, khibrad iyo cibaadoba badan yahay ragga kale.

"Anuu guri lagu soo taliyeybaan kasoo baxay, awoowgay Suldaan buu ahaa, aabahay awoowyaashay caaqillay ahaayeen, guri talin jiraan kasoo baxay” ayuu yidhi Faysal Cali.

Faysal ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inuu u hagar-bixi doono dalkiisa inta uu noolyahay si loogu soo daabaco lacagta Somaliland sida maraykanka oo kale.

Musharrax Faysal Cali Waraabe ayaa tartan adag kula jira M/Weyne Biixi iyo C/Raxmaan-Cirro, kuwaas oo kala hoggaaminaya Xisbiyada UCID, KULMIYE iyo WADDANI.

Tartanka doorashada ee maamulka la baxay Somaliland oo qabsoomiddeeda loo asteeyey 13/11/2024, ayaa haatan maraya meel xasaasiya, waxaa kaloo ka qayb-galaya 7 urur-siyaasadeed oo iyaguna u xusul-duuban u digo-rogashada xisbiyo qaran.


Related Items

Update cookies preferences