Suudaan oo sheegtay inay ceyrisay shirkadda dekadaha ee Imaaraatka Carabta.

Wednesday November 06, 2024 - 07:38:12
Liibaan Jeexoow
Kadib markii ay ku lug lahaatay dhisidda maleeshiyaad calooshood ushaqeystayaal ah oo gummaad u geysanaya shacabka rayidka ah laguna helay in ay hurinayso dagaalka sokeeye ee wadanka Suudaan ayaa dowladda imaaraatka Carabta laga ceyriyay dekadaha wadankaasi.
Xukuumadda Suudaan ee Melleterigu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqday in ay laashay heshiis dhanka dekadaha ku saabsan oo dabayaaqadii sanaddii 2023 ay la gashay shirkadaha dekadaha Dubai ee loo yaqaan DP World.

Jibriil Ibraahiim oo ah wasiirka maaliyadda xukuumadda Suudaan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ay ka laabteen heshiiskii kala dhaxeeyay dowladda Imaaraatka islamarkaana ay ceyrinayaan dhammaan shaqaalaha shirkadda dekadaha Dubai sababa laxiriira taageerada melleteri iyo midda maaliyadeed ee Max'med Bin Zaayad uu siinayo maleeshiyaadka Janjawiidka ee RSF loogu yeero.

Heshiiskan oo ku kacayay lacag dhan 6 Biyan oo dollar ayaa dhigayay in shirkadda DP World ay dekad ka dhistay degmada Abuu Umaamah oo qiyaastii 200Km u jirta magaalada Boortu Suudaan oo ah caasimadda Ku meelgaarka ah ee dalka Suudaan.

"Kadib markii ay geysatay waxaas oo xadgudubyo ah waxaan go'aansanay in hal sinti mitir aanan Imaaraadka kasiinin xeebaha badda Cas"ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda dabadhilifka Suudaan oo weerar dhanka afka ah ku qaaday xukuumadda daba-dhilifka Imaaraatka.

Dowladda ka jirta dalka Suudaan oo hoggaankeeda ay ku loollamayaan laba Jeneraal ayaa aaminsan in faragelinta imaaraatka Carabta ee dalalka caalamka islaamka aysan aheyn mid siyaasadeed balse ay tahay mid diimeed islamarkaana imaaraatku uu fulinayo mashruuc sahyuuni ah sida uu sheegayo wasiirka maaliyadda xukuumadda Kharduum.

Imaaraatka oo ay ka jirto dowlad shar ah waxay maleeshiryaad murtazaqo ah iyo calooshood u shaqeystayaal shisheeya ah ku faafisay wadamo ay ka mid yihiin Yemen,Soomaaliya,Liibiya iyo Yemen.

Related Items

Update cookies preferences