"Edna Aadan waa Kaafirad kuffaarta kiristanka ka mida…" Sheekh Aadan Sune.

Saturday November 16, 2024 - 16:08:07
Liibaan Jeexoow
Sheekh Aadan C/Raxmaan Warsame (Sh. Aadan Sune) ayaa xog faahfaahsan ka bixiyey hey'adaha caalamiga, ururrada maxalliga iyo shakhsiyaadka Somaliland ka dhex-wada gaaleysiinta kuna hawlan faafinta dhaqanka iyo diimaha kala duwan ee Gaallada.

Sheekha oo dhawaan waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa farta ku fiiqay shakhsiyaadka ku hawllan gaaleysiinta oo ay ka mid tahay Dr Adna Aadan Ismaaciil oo cisbitaal weyn ku leh magaallada Hargeysa.

Edna Aadan ayaa 2023-kii la guddoonsiiyey abaal-marin caalamiya oo ay siisay hey’adda John Templeton Foundation. Waxaanay haatan si gaara ugu magacaaban tahay ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya.

Sh. Aadan Sune, waxa uu sheegay in Edna Aadan ay leedahay goobo caafimaad iyo weliba goobo waxbarasho oo ay ka mid tahay Jaamacad lagu barto caafimaadka. Isla markaana dhanka maamulkana ay meel sare kaga jirto iskuna xidho Somaliland iyo dawladaha caalamka.

Xarumaha Edna Aadan ayuu sheekhu sheegay inay ka mid yihiin goobaha ugu waaweyn ee saldhigga u ah gaalaysiinta shacabka muslimiinta ah. Waxaanu xusay in xarunteedu ay tahay meesha fiisaha looga soo saaro Gaallada rabta inay timaaddo Somaliland.

Xidhiidhka Edna Aadan la leedahay Yahuudda ayuu sheekhu soo hadal-qaaday, waxaanu sheegay in wada-shaqayn fiicani ka dhexeeyo, isla markaana bukkaannada ay daaweyn kari waydo qaarkood u dirto caasimadda Yahuudda ee Talaabiib.

Sheekhu waxa uu tilmaamay in dhanka caafimaadku ka mid yahay wadiiqooyinka ay gaalladu uga faa’idaystaan gaallaysiinta dadka muslimiinta ah waxaanu ka dhawaajiyey in xogtooda ay heleen qaar ka mid ah dadkii caafimaad ahaan loogu diray Talaabiib.

"Iyadu [Edna Aadan] waa Kiristaan, waa kaafirad kuffaarta kiristanka ka mida, shaahidna waan ka ahay, cid kalena waydiin mayo…mana muujisato, waligeedna kuu sheegi mayso, laakiin barnaamijka ay ka shaqaynaysaa waa tansiir…” ayuu yiri Sheekh Aadan Sune.

Sheekhu waxa uu si cad u sheegay in ay qabteen nuqullo ka mida Baybalka oo kooxdeedu ay ku faafiyeen gudaha cusbitaalkeeda, markhaatina ka yahay Allaah-na uu la hor-tegayo. Isagoo xusay in dhammaan document-yadaasi uu lasoo hijrooday, gacantana uu ku hayo.

 

 

 

Related Items

Update cookies preferences