Ciidamada dowladda Xabashida Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa billaabay in ay lafastaan maamulka Jubbaland ee uu khilaafka adag kala dhaxeeyo dowladda Xasan Sheekh.
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee gacanta ku hayo degmada Dooloow ay gacanta ku dhigeen illaa 6 sarkaal oo katirsan ciidanka DF-ka.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha laqabtay saacado kadib markii ay kasoo degeen madaarka macmalka degmada Dooloow, saraakiisha laqabtay oo Muqdisho lagasoo diray ayaa ku wajahnaa degmada Ceelwaaq waxayna doonayee in halkaas ay ugasii gudbaan Jubbada hoose si ay u abaabulaan dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe.
Saraakiisha ciidanka Xabashida ay lixda ruux ee ay gacanta ku dhigeen ku xiray saldhig kuyaal Dooloow halkaas oo su'aalo lagu weydiinayo, wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu codsaday in saraakiishan DF-ka katirsan loosoo gacan geliyo si uu baaritaanno ugu sameeyo.
Khilaafka udhaxeeya maamullada Kismaayo iyo Muqdisho ayaa meeshii ugu xumeed gaaray.