Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay natiijada doorashadii Arbacadii ina dhaaftey ka qabsoontey deegaannada Somaliland.
Muuse Biixi oo warbaahinta la hadley goor dhaweyd waxa uu tibaaxay in ay aqbaleen lana shaqayn doonaan madaxweynaha cusub.
"Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in aanu aqbalney natiijadii doorashada oo uu ku guuleystay Xisbiga Waddani” ayuu yiri Muuse Biixi.
Waxa kale oo uu intaa raaciyey in sidaa ay yeeleen sharafta iyo qarandhiska Somaliland ku jirto.
"Maaha maalin ay murmayno oo aynu isku qabsanayno oo dhexdeenna khilaaf ka imanayo... Umadda waxaanu u ballan qaadaynaa haddaanu nahay Xisbiga Kulmiye inaanu aqbalney oo aanu hambalyeynayno madaxweynaha la doortey Cabdiraxmaan” Muuse Biixi.
Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shaley subaxnimadii ku dhawaaqey natiijada doorashada taas oo ay ku iclaamiyeen in uu guuleystay Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo kale maanta ayaa Komishanka Doorashada SL ay nuqul kamid ah waraaqihii natiijada u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee tani waxay soo dhammaystirtey shaki laga qabey dhanka Muuse Biixi oo ah ninka laga guuleystay.