Is-rasaasayn ka dhacday Kismaayo oo lagu sheegay fal aragagixiso oo Axmed-madoobe uu ka dambeeyey.

Saturday November 23, 2024 - 13:47:29
Liibaan Jeexoow
Is-rasaaseyn saaka dhex-martay maleeshiyaad daacad u ah Axmed-madoobe iyo qaar ka mid ah ilaalada Senator Ilyaas Gaboose ayaa sababtay khasaare soo kala gaadhay labada dhinac.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof ku dhintay, labo kalena ku dhaawacmeen shaqaaqadan.

Ninka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Bukhaari Yare ayaa ahaa dirawalka Ilyaas Gaboose. Waxaana isagoo dhaawac ah oo dhiig-baxaya lasoo dhigay baraha bulshada.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka AGAN ee magaallada Kismaayo, xilli Ilyaas Gaboose iyo Ilaaladiisu isku dayeen in ay galaan hotelka, kadibna loo diiday.

Senator Ilyaas ayaa sheegay in uu musharrax u yahay madaxtinimada Jubbaland, isla markaana uu haysto taageerada Villa Somaliya.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/Laahi Sheekh Axmed (Fartaag) oo goor dhawayd hadlay ayaa falkaasi ku eedeeyey Axmed-madoobe. Waxaanu ku tilmaamay weerar argagixiso.

"Waxaan u tacsiyeynayaa dadkii ku naf-waayay falkii aragagixisada ahaa ee saakay uu ku qaaday hotel AGAN ee magaallada Kismaayo, madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan…” ayuu yidhi Wasiir Fartaag.

Dhanka kale wefdi ka socday dawladda federaalka Somaliya oo ay ku jiraan xubno ka mid ah maamulka Gedo ayaa saaka loo diiday in ay ku degaan garoonka diyaaradaha ee magaallada Garbahaarrey.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weftigan oo saaka kasoo kicitimay Muqdisho ay ciidamada Itoobiya u diideen inay ku deggaan garoonka, iyagoo ku amray inay dib u laabtaan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxtooyada Kismaayo ay aad uga shaqeysay tallaabada laga qaaday xubnahan ee loogu diidday inay cago-dhigtaan magaalada Garbahaaray.

Asbaabaha weftigan looga celiyey magaallada Garbahaarray ayay wararku sheegayaan inay ka mid tahay iyadoo loo tuhmay in ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Jubbaland.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan DF-ka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa maraya heerkii ugu sarreeyey oo sababay gacan-ka-hadal dhiig ku daato oo saaka ka bilawday magaallada Kismaayo.


Related Items

Update cookies preferences