Madaxweynaha doorashada looga guuleystay ee Somaliland iyo kan ku guuleystay Cabdiraxmaan-Cirro ayaa maanta ku kulmay Madaxtooyada Somaliland sida ay tebinayso warbaahinta maxalliga ah ee maamulkaasi.
Kulankan ayaa waxa goob joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Guurtida SL Saleebaan-gaal, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin-Faratoon iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulkaas Aadan Xaaji Cali.
Lama oga waxa ay ka wada hadleen saxaafadduna ma tabin laakiin waxa la saadaalinayaa in ay tahay sidii ay xilwareejintu ugu dhici lahayd si nabad gelyo ah.
Madaxweynaha cusub ee loo doortay maamulka Somaliland Cirro ayaa noqonaya madaxweynihii lixaad ee maamulkaas tan iyo intii la aas aasey 1991-dii.