ATMIS oo shaaca ka qaadday mowqifkeeda ku aaddan khilaafka Dawladda Federaalka iyo Jubbaland.

Sunday November 24, 2024 - 12:13:08
Liibaan Jeexoow
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada gumaysiga ATMIS ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya DF-ka Somaliya iyo maamul-goboleedka Jubbaland.
Khilaafkan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka ayaa gaadhay gacan-ka-hadal dhiig ku daatay waxaanay ATMIS ugu baaqday labada dhinac in ay nabad kusoo dabbaallaan xaaladda, doorashaduna ku dhacdo si nabad ah.

ATMIS ayaa markii u horeysay shaaca ka qaadday mowqifkeeda, waxaanay sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay dhinacyada siyasadda Soomaaliya, waajibkeeduna yahay amniga oo kaliya, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale, ATMIS waxay sheegtay inay ka walaacsansan tahay warar sheegaya in ciidamadooda booliska ah ee jooga magaallada Kismaayo ay qeyb ka yihiin sugidda amniga doorashada Jubbaland ee la isku khilaafsan yahay.

Warkan kasoo baxay ATMIS ayaa kusoo aadaya, xilli maalinta berri ah lagu wado in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Jubbaland, taas oo mar kale la filayo in lagu dooran doono Axmed Madoobe.

Related Items

Update cookies preferences