War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyey DF-ka Somaliya in ciidan sharcid-darro ah oo beelaysan ay ka dejisay magaallada Raas-kaambooni.
Ciidankan oo laga soo abaabulay magaallada Muqdisho ayaa ujeedkiisu yahay abuurista xasillooni-darro iyo khal-khal amni oo ka dhan ah Jubbaland, sida bayaanka lagu xusay.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in ciidanka Jubbaland iyo ciidamada laga soo daad-gureeyey Muqdisho ay haatan isku hor-fadhiyaan deggaanka Raas-kambooni.
Labadan ciidan oo xilli walba suuro-gal ay tahay inay foodda is-daraan, ayay Jubbaland ka digtay cawaaqib-xumada ka dhalan karta oo ay dusha u saartay DF-ka Somaliya.
Bayaankan ayaa imanaya kadib markii DF-ku ay shalay maleeshiyaad fara badan ka dejisay deggaanno hoos-taga Jubbada hoose, xilli Axmed Madoobe-na dib isu caleemo-saaray.
Dawladda federaalka ayaa si weyn uga soo hor-jeedda dibu-doorashada Axmed-madoobe iyo weliba hannaanka loo soo xulay xildhibaanada iyo shir-guddoonka baarlamaanka Jubbaland.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in kooxda Villa Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dawladda ku amrtay in uu soo oogo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.
Khilaafka ka dhex aloosan maamulladan daba-dhilifyada ah ayaa cirka isku sii shareeraya waxaana suuro-gal ah in xilliyada soo aaddan lakala furto maryo dhiig leh.