Ciidamada Maamulka Somaliland oo dad shacab ah ku dilay magaalada Ceerigaabo.

Tuesday November 26, 2024 - 15:24:35
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in markale weerar khasaara dhaliyay ay ciidamada maamulka isku magacaabay Somaliland ka fuliyeen mid kamida xaafadaha magaalada Ceerigaabo.
Rasaas xooggan oo bilaabantay gelinkii hore ee maanta ayaa laga maqlaayay qeybo ka mida xaafadaha magaallada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 qof shacab ah ay ku dhinteen rasaasta halka tiro kale ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta ay fureen ciidamada booliska maamulka Somaliland.

Sawirro lagasoo qaaday Ceerigaabo ayaa muujinayay goobo ganacsi oo gubanaya iyo dad caraysan oo taayarro ku shidaya waddooyinka iyagoona ka caraysnaa toogashada ay geysteen ciidamada booliska maamulka degmada.

Sidoo kale waxaa jira dad kale oo shacab ah oo maleeshiyada Somaliland ay xabsiyada u taxaabtay, waloow illaa hadda aanaan helin tiro sugan.

Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa la arkaayay maleeshiyada booliska Somaliland oo hubka culus iyo ka fududba u adeegsanaya dadka shacabka ah.

Sidoo kale muuqaallada qaar ayaa laga dheehan karayay maleeshiyada Somaliland oo falal cunsuriyadeed kula dhaqmaya shacabkii ay handadayeen arrinkaas oo xaaladda sii adkeeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in boqolaal qoys ay billaabeen in ay isaga barakacaan Ceerigaab sababa laxiriira cabsi laga qabo iska hor'imaadyo halkaas ka billaawda.

Waxgaradka magaalada Ceerigaabo ayaa ka digay in wax lamid ah colaaddii Laascaanood ka dhacday sanaddii 2023 ay martigeliso xarunta gobolka Sanaag waxayna ugu baaqeen maamulka Somaliland in uu ka joogsado dhibaateynta shacabka.


Related Items

Update cookies preferences