Wargeyska Haaretz ee laga leeyahay Yuhuudda ayaa daabacey warbixin uu ciwaan uga dhigey "Indhaha caalamku waxay ku jeedaan Somaliland".
Warbixintan oo gaabnayd ayaa lagu xusay sida maamulka Somaliland sabab ugu noqday isku dhaca Itoobiya iyo Soomaaliya, sidoo kale Turkiga iyo Giriigga iyo waliba Masar iyo Itoobiya.
Inkasta oo aan la sheegi karin sida Giriiggu u soo geli karo arrimaha Geeska Afrika haddana maamulkan aan la aqoonsan ayaa xasarad ka abuuray mandiqadda.
Habeennimadii 19 Julaay diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ka soo gudubtey dhammaan nidaamka difaacyada Yuhuudda taas oo xeebta Tel Aviv ku dishey nin lagu magacaabi jirey Evengy Freder oo hurday goob waxyar u jirtey Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Yuhuudda.
Tan ayaa dhakafaar ku abuurtey saraakiisha sare ee Yuhuudda kuwaas oo la yaabey sida diyaarad noocan ahi usoo jartey masaafo dhan 2000km isla markaan u dishey hal qof 10 kalena waxyeelo u gaarsiisay.
Maamulka Somaliland oo isagu xusul-duub ugu jira sidii uu ictiraaf u heli lahaa ayaa u muuqda haddii ay saldhig siiyaan xulafada Mareykanka in ay dhib weyni soo gaari doonto.