Xoogaga sunniga ah ee wadanka Suuriya ayaa si dardar leh ku wada howlgal culus oo shalay ay uga dhawaaqeenno dhaca waqooyi galbeed ee wadankaasi.
Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Xalab ayaa xaqiijinaya in xoogaga jihaadiga ah ay ciidanka nidaamka Bishaar Al-asad iyo maleeshiyaadka Iiraan ay ka qabsadeen in kabadan 20 degmo iyo saldhigo ciidan.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay xoogaga kacdoonka oo gacanta ku dhigaya gaaska 46-aad ee ciidanka Suuriya iyo degmada muhiimka ah ee Khaan Al-Casal.
Sodomeeyo katirsan ciidamada nidaamiga ah ayaa iyagoo maxaabiis ah ku dhacay gacanta xoogaga wax iska caabinta sunniga ah.
Waa guulihii ugu waaweynaa oo ay xoogagan xaqiijiyaan tan iyo sanaddii 2016, kolkaas oo Ruushka iyo Iiraan ay nidaamka Al Asada usuurta geliyeen dib uqabsashada inta badan wadanka Suuriya