Madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka hadlayay shir-madaxeedka waxa loogu yeero dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika (EAC) oo lagu qabtay magaallada Caruusha ee dalka Tanzaniya , ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyneyaasha Uganda, Soomaaliya, iyo Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya ay yeelan doonaan kulan ku saabsan xiisadda Geeska.
"M/weyne Museveni, aniga, walaalkeey Xasan Sheekh, iyo R/wasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu yiri M/weyne Ruto.
Ruto ma sheegin goorta iyo halka uu kulankani ka qabsoomi doono, balse wuxuu noqonayaa kulankii u horreeyey oo si fool ka fool ah isu hor-fadhiistaan labada dhinac tan iyo intii uu soo shaac-baxay khilaafkii ka dhashay heshiiskii MOG-ga ee Abiy iyo Biixi kala saxiixdeen.
Isku dayo dhawr ah oo horey ay u galeen dalal ay ka mid yihiin Kenya iyo Turkiga ayaa dhammaantood kusoo idlaaday fashil, kadib markii Itoobiya ku adkaysatay go’aankii iy heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, kaasoo ay ku rabto inay ku qaadato qaybo ka mida badda iyo barriga Soomaaliyeed.
Khudbado dhawr ah oo madaxweyne Xasan Sheekh kaga hadlay xiisaddan iyo damaca Itoobiya ayaa muujinayay in qaadashada Itoobiya ee badda Soomaaliya aanu waxba ka qabin, balse uu si adag uga soo hor-jeeddo heshiis isagu aanu qayb ka ahayn.