Naxariistii Janno Ilaahay haka waraabiyee qoys Soomaali ah oo ka kooban lix qof ayaa dhammaantood iyagoo mayd ah laga helay guri ay ka deggenaayeen magaallada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qoyskani u geeriyoodeen neef-qabatow ku yimi kadib markii iyagoo hurda ay ku furantay Gaasta cuntada lagu isticmaalo.
Maalinnimadii khamiista ayay wararku sheegayaan in qoyskan xiriirkooda la waayay, kadibna maydkooda la helay maalinnimadii sabtida ee shalay.
Mid ka mid ah ehellada qoyskan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo tirada ay koobnaayeen dadka dhintay oo isugu jiray caruur iyo waayeel.
"Lixda qof waxa ay kala ahaayeen odey, wiil uu dhalay, gabar uu dhalay iyo inantu laba wiil oo ay dhashay iyo ninkii inanta qabay” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada oo la hadlay warbaahinta.
Isagoo hadalkiisa sii wata, faah-faahinayana sida ay wax u dhaceen ayaa yiri "Geerida waxaa sababtay gaaska oo furan ayay ka seexdeen, dowladda Masar way timid waa la baaray, waxa sababay waxaa la ogaaday inay gaaska tahay oo guriga ku furmay”.
Dhacdadan oo ahayd mid aad u xanuun badan oo si weyn looga naxay ayaa guud ahaan qabsatay warbaahinta gaar ahaan baraha bulshada.