Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay hawl-gallo habeen-dheelmad ah oo kala duwan ka fuliyey gobollada Hiiraan, Gedo iyo Shabeellaha hoose.
Gobolka Hiiraan, weerar qorshaysan ayaa xalay ka dhacay agagaarka xero ay ka guureen ciidamada Jabuuti oo ku taal galbeedka magaallada Baladweyne.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya dhaawac garaab ah oo weerarkaasi lagu gaarsiiyey mid ka mida maleeshiyaadka dawladda.
Gobolka Gedo, waxaa xalay ka dhacay Qarax khasaare geystay oo lala beegsaday xarunta Nabad-sugidda maleeshiyada degmada Baardheere.
Sidoo kale isla gobolka Gedo, waxaa xalay ka dhacay weerar lagu miray saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ee degmada Garbahaarey.
Shabeellaha hoose, dagaal culus ayaa xalay lagu beegsaday saldhigyada maleeshiyaadka dawladda ee xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye iyo saldhigga degmada Jannaale.
Weerarradan ayaa ku biiraya duullaanada xiriirka ah ee jiif iyo joog-ba u diidday soo-duulayaasha Afrikaanta iyo maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida.