M/weynaha Jabuuti oo qaabilay wefti ka socda Somaliland.

Monday December 02, 2024 - 15:31:00
Liibaan Jeexoow
Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta qaabilay wefti uu hogaaminayo gudoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weftigan ka socda Somalialnd ay maalmihii u dambaysayba safar ku joogeen magaallada Jabuuti.

Hor-moodka xubnaha weftiga ayaa ah kaadiriintii ugu cad-caddaa xisbiga WADDANI oo dhawaan ku guulaystay talada maamulka Somaliland.

Dhanka Jabuuti iyo waliba Somaliland weli wax war ah kama ay soo saarin ujeedka weftigaasi iyo weliba wixii ay ka wada hadleen labada dhinac.

Jabuuti iyo Somaliland ayaa muddooyinkii u dambaysay deeradu dhex-miranaysay, kadib markii Geelle si adag uga hor-yimi heshiiskii Muuse Biixi la galay Abiy Axmed.

Waxa la is-weydiin karaa, maxaa keenay isku soo dhawaanshahan, ma xisbiga WADDANI ayaa wax ka beddelay heshiiskii MOU-ga mise waa tanaasul ka yimi dhanka M/weyne Geelle?

Related Items

Update cookies preferences