Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha hoose ayaa goor dhow weeraray saldhigga maleeshiyaadka dawladda ee Haanta dheer ee degmada Afgooye.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkan oo ahaa mid culus lagu dilay 6 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka dawladda federaalka Soomaaliya.
Maydadkii askartaasi ayaa la sheegay in looga cararay gudaha saldhigga la weeraray, iyadoo halkaasi lagu gubay gaar nooca raaxada ah.
Wararka dagaalkaasi aanu ku helnay ayaa sidoo kale tibaaxaya in xoogagga Al-Shabaab ay la wareegeen hub iyo saanad ciidan oo kala duwan.
Gelinkii hore ee maanta ayay ahayd markii gudaha magaallada Muqdisho lagu dhaawacay, gaarigiisiina laga kaxaystay guddoomiye ka tirsan maamulka Villa Somaliya.
Waxaa sii xoogaysanaya weerarrada lagu dhiig-bixinayo ciidamada soo duullay ee afrikaanta, maleeshiyaadka ku daabban ee Soomaalida iyo maamulladooda.