Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag Jaamac Maxamuud Warsame ayaa wararku sheegayaan in uu iska casiley xilkii uu u hayey maamulka Somaliland.
Jaamac ayaa wararku sheegayaan in uu u goostey dhinaca SSC-Khaatumo oo ah maamul cusub oo dhawaan laga hirgaliyey magaalada Laascaanood.
Tan ayaa ku timid sababo la xiriira deganaansho la’aan ka jirta magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Aanooyin qabiil iyo kala shaki ku yimid dadkii wada deggenaa ayaa qayb ka ah.
Maamulka la baxay Somaliland oo magaalada ka arriminayey ayaa dareemaya cadaadis kaga imanaya dhinaca maamulka kale ee SSC-Khaatumo.
Dadka dilalka ka geysta magaaladaasi waxa ay xoguhu tibaaxayaan in aan la soo qabanin.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Ceerigaabo ayaa u dhow in dagaal ka qarxo sidii kii Laascaanood ee Somaliland looga saarey qaybo ka mida Sool.