Wararka ka imaanaya deegaannada xuduud beenaadyada ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in markale ay kumanaan ciidamada Xabashi ah kasoo gudbeen.
Goob joogayaal ku sugan degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo kumanaan ah ay kaso talaabeen dhanka Soomaaligalbeed.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo aad ufarabadan oo kasoo gudbaya degmada Dooloow ee gobolka Gedo.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa la socday gaadiid xamuul ah, gaar ahaan nuuca loo yaqaan Uuraalka oo ay caan ku yihiin ciidanka Itoobiya.
Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa shaacisay in ciidamadeedu aysan isaga bixi doonin Soomaaliya xataa haddii laga reebo ka mid ahaanshiyaha howlgalka cusub ee Afrikaanta.
Nebiat Getachew Assegid oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Xabashida ayaa magaalada Addis Ababa ugu sheegay wariyaasha in Itoobiya ay kusii lug-lahaanayso wax uu ugu yeeray sugidda ammaanka Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyay in ay u hoggaansamayaan amarkii xukuumadda Xasan Gurguurte oo ahaa in ciidanka Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ayuu ku jawaabay "ciidankeena Soomaaliya ku sugan waxay hoos tagaan wasaaradda gaashaandhigga iyo talis sare iyaga ayaana jihaynaya".
Dowladda Xabashida ayaa doonaysa in ay taxaddi adag la gasho Xasan Gurguurte iyo xukuumaddiisa waxayna taageero siinaysaa maamullada dabadhilifyada ah ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo xurguf kala dhexayso Villa Somaliya.