Xoogagga Kacdoonka Suuriya oo si buuxda ula wareegay magaalada Xammaah ee Suuriya.

Thursday December 05, 2024 - 19:26:57
Liibaan Jeexoow
Kadib dagaallo saacado badan qaatay oo xoogagga kacdoonka Suuriya ay lagaleen ciidamada nidaamka mujrimka bishaar Al Asad ayay ugu dambeyn lawareegeen gacan ku heynta magaalada istiraatiijiga ah ee Xammaah.
Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga islaamiga ah ay si buuxda umaamulayaan caasimadda sedaxaad ee Suuriya iyagoona ka adkaaday ciidamadii nidaamka Nuseyriga ah.

Gaashaanlle Xasan Cabdulqani oo katirsan hoggaanka xoogaga kacdoonka ee maamulaya xamlada Radcul Cudwaan ayaa usheegay warbaahinta in xoogagoodu ay soo gaba gabeeyeen howlgal ay ku nadiifinayeen magaalada Xammaah.

Maanta duhurkii ay kacdoon wadayaashu sheegeen in ay billaabeen bilaabashada howlgalka furashada Xammaah, waa caasimad goboleedkii 2aad oo ay laga qabsado nidaamka Bishaar Al-Asad muddo isbuuc gudihiisa ah, dhowaan ayay aheyd markii sidaan oo kale ay xoogagga sinniga ah ula wareegeen magaalada Xalab oo ah caasimadda labaad ee dalka.

Related Items

Update cookies preferences