Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Jubbada hoose ayaa gabbal-dhacii shalay, gaar ahaan salaaddii maqrib kadib waxay weerar culus la beegsadeen maleeshiyaadka Jubbaland.
Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay afaafka hore ee Buulo Xaaji ee duleedka magaallada Kismaayo ayaa lagu dilay 3 askari oo ka tirsan maleeshiyada Axmed Madoobe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay 4 askari, isla markaana lagu soo furtay 3 qori.
Dhanka gobolka Banaadir, waxay xoogagga Al-Shabaab 2 qarax la beegasdeen fariisin maleeshiyaadka dawladdu ku leeyihiin deggaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan qaraxaasi ay ku dhinteen 9 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka la weeraray, 6 kalena lagu dhaawacay.