Culimada maamulka Somaliland oo kulan la yeeshay Muuse Biixi.

Friday December 06, 2024 - 10:48:02
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha laga guuleystay ee maamulka Somaliland ayaa la kulmay culimada maamulkaas.
Kulankan ayaa lagu sheegay in uu daarranaa duco iyo sagootin loo samaynayey Muuse Biixi.

Muuse Biixi waxa uu wadaaddada uga mahad celiyay sidii ay ula shaqeeyeen halka culimada maamulkaasina xuseen in madaxweynaha SL uu xiriir wanaagsan la lahaa.

Badanaa culimada Soomaalida qaar kamid ah ayaa u kala dheereeya madaxda maamullada Soomaalida si ay uga helaan magac iyo waxoogaa maal ah.

Muuse Biixi waxa maalmihiisa madaxtooyada Somaliland ku egyihiin 12 December, 2024 oo ay maalmo kooban ka harsan yihiin.

Waxaana lagu xasuusan doonaa dagaalkii Laascaanood iyo in aanu cidna waxba ka dhegaysan ilaa uu jabay.


Related Items

Update cookies preferences