Warka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya dagaal culus oo xalay lagu miray saldhigga maleeshiyada dawladda ee deggaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka magaallada Muqdisho.
Dhanka gobolka Gedo, waxaa naga soo gaaray warar tibaaxaya maleeshiyada dawladda federaalka oo maalmo ka hor dhirbaaxo kulal kala kulmay dagaalyahannada Al-Shabaab ay mar kale sameeyeen isku-day weerar.
Maleeshiyadka oo weerarkan rogaal-celiska ah ku qaadday deggaanka Buusaar ee hoos-taga degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa laga dilay hal askari kadib markii weerar ka hor-tag ah ay kala kulmeen xoogagga Al-Shabaab.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii firxadka ahaa ee ku jabay dagaalkaasi mar kale saaka lagu helay deggaanka Daanyeer-fuulka oo hoos-taga Ceel Waaq, halkaasna looga furtay 1 qori oo AK47 ah.