Boqollaal askari oo dhawaan ka goostay maamulka Jubbaland kuna biiray ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan deggaanka Raaskaambooni ayaa loo daad-gureeyey dhanka magaallada Muqdisho.
Dawladda federaalka ayaa soo dhaweyn iyo diiwaan-gelin u samaysay ciidankan, waxaana loo dallacsiiyey heerarka kala duwan ee darajooyinka ciidanka, sida ay sheegtay warbaahinta kooxda Villa Somaliya.
Qaar ka mida askartii la dallacsiiyey oo farriin u diray saaxiibadooda weli ku hoos-jira maamulka Axmed-madoobe ayaa ugu baaqay inay kasoo goostaan maamulkaasi kuna soo biiraan dawladda federaalka Soomaaliya.
"Waxaan leeyahay dhalinyarada, dadka gobolka (Jubbada hoose) jooga iyo ciidankii aan kasoo tagnay, inaan si xun loo adeegsanin oo dawladdiisa aan laga hor-geynin…” ayuu yiri mid ka mida askartii ka goosatay maamulka Jubbaland ee la dallacsiiyey.
Mid ka mida saraakiisha ciidanka dawladda oo darajooyin kala duwan goobtaasi ugu tolow qaar ka mida askarta ka goosatay Jubbaland, ayaa uga mahad-celiyey go’aanka ay kaga soo diga-rogteen maamulka Axmed-madoobe ee Jubbaland.
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulladan ayaa halkii ugu sarraysay maraaya, waxaanu Xasan Sheekh mar uu jimcihii hadlayay sheegay in marnaba aanay suuro-gal ahayn in Axmed-madoobe uu kusii fadhiyo kursiga madaxtooyad Jubbaland.
Wasiir-xigeenka Amniga Jubbaland Aaden Axmed oo isna shalay mar uu ka hadlayay kulan ka qabsoomay Kismaayo uu shaaca ka qaaday inay tallaabo ka qaadayaan ciidanka la keenay Raaskambooni haddii lagu qaadi-waayo 48 saac gudahood.
"Waxaan rabaa inaan dawladda Soomaaliya u sheego, ciidamada ay keentay Raaskaambooni saacaddaa aan joogno waa go’doon. Raaskambooni diyaarad kama degi karto, Doon-na ma tegi karto…” ayuu yiri Wasiir Aaden Axmed.
Goodisyada iyo isku hub urursiga labada dhinacba aad buu u badan yahay, waxaana xiisaddan aad looga dareemayaa Raaskambooni iyo deggaannada ku dhow ee ay isku hor-fadhiyaan labada ciidan.