XOG CUSUB: Itoobiya oo shixnado Hub ah ka dejisay magaallada Kismaayo.

Sunday December 08, 2024 - 16:33:39
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan saraakiil Itoobiyaan ah oo shalay ka degay magaallada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda xabashida Itoobiya ay magaallada Kismaayo ka sameysay ilaa afar duullimaad, waxayna madaarka magaaladan ka dejisay diyaarad xamuul, taasi oo ilaa afar duullimaad sameysay.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa soo sheegay in tiro saddax jeer oo ka mid ah duulimaadyada ay diyaaraddaasi dejisay hub u badan rassaasta qoriga B10-ka, sidoo kale waxay geysay madaarka Kismaayo xabadaha Jiibka oo fara badan.

Idaacadda Al-andalus ayaa ogaatay in duulimaadka safaraad ay diyaaraddu keentay saddex sarkaal Itoobiyaan ah, kuwaas oo kulamo la leh madaxda maamul goboleedka Jubbaland.

Markii ay keentay wafdiga saraakiisha Itoobiyaanka ah waxaa diyaaradan horay u sii raacay Maxamuud Sayid aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo hadda ku sugan Addis Ababa.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya in ninkan ay la socdaan wasiirka macdanta iyo biyaha iyo nin kale oo ka mid ah gacan-yareyaasha Axmed Madoobe.

Ujeedka weftigaasi uu Addis-ababa u tagey ayaa lagu sheegay xoojinta taageerada millatari ee ay xabashidu siinayso maamulka fadhigiisu yahay Kismaayo.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli kumannaan ciidamo Itoobiyaan ah kasoo gudbeen xuduud-beenaadka u dhaxeeya gobolka Gedo iyo dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumeysiga Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences