Toddobaadkii ugu dambeeyay waxa aad isu soo tarayey wararka guusha ah ee sheegaya in Xoogagga Mucaaridku ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah illaa ugu dambayn xaley oo ay bishu ahayd 7 December la wareegeen guud ahaan magaalada Dimishiq ee xarunta Suuriya.
Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al Asad ayaana si habaqle ah uga baxay magaaladaa iyada oo aan weli la garanayn meel uu jaan iyo cirib dhigey. Haddaba kuma ayuu ahaa Bashaar Al Asad?
Bashaar waxa uu ku dhashey magaalada Dimishiq sannadkii 1965, waxa aanu ku barbaarey isla magaaladaas. Sannadkii 1988 ayuu ka baxey Jaamacadda Dimishiq isaga oo markiiba noqday mid kamida dhakhaatiirta ciidamada Suuriya.
Waxoogaha ka dib wuxu u safray dalka Ingiriiska si uu qayb kamida waxbarashadiisa ugu soo qaato.
Bashaar waxa uu takhasus ahaan qaatey dhakhtarka indhaha waxa aanay halkaa isku barteen xaaskiisa oo lagu magacaabo Asmaa Al Akhras taas oo u dhalatey isla waddanka Suuriya gaar ahaan magaalada Ximis.
Maaddaama oo Bashaar aabbihii uu ahaa madaxweynaha Siiriya waxa lagama maarmaan ahayd in uu diyaariyo ciddii uu kaga tegi lahaa xukunka dalkaas oo ahaa mid ay gacanta ku hayaan Xisbiga Bacsiga, Ciidanka Millateriga iyo kooxda aqalliyadda ah ee uu ka soo jeedo(Calawiyiin).
Sannadkii 1994 ayaa Baasil oo ahaa wiilka curad ee uu dhaley madaxweyne Xaafid uu galey shil baabuur taas oo keentay in degdeg loogu yeero Bashaarka Ingiriiska jooga si loogu tobabaro qabashada xukunka ka dib marka uu aabbihii meesha ka baxo(dhaxaltooyo).
Markii ay taariikhdu ahayd bishii Juun sannadkii 2000 waxa geeriyooday Xaafid Al Asad oo ahaa Bashaar aabbihii. Maaddaama oo laga digtoonaa in firaaq siyaasi ahi uu dhaco markiiba waxa la magacaabey Bashaar Xaafid Al Asad oo noqday madaxweynaha Suuriya ee cusub isaga oo da’diisu ahayd 34sano.
Inkasta oo dastuurka Suuriya uu dhigayey qofka xil qaban karaa waa in da’diisu ka weynaato 40sano haddana waxa la bilaabey in faqraddaa laga saaro dastuurka Suuriya.
Bashaar waxa uu bilowgii jeelasha ka sii daayey siyaasiyiin waaweynaa oo u xirnaa aabbihii waxa aanu bixiyey madaxbannaani saxaafadeed. Laakiin taasi ma sii waarin waxa aaney reer Siiriya ku magacaabeen Gu’gii Dimishiq ee aan miraynin.
Sannad ka dib waxa bilaabantey xirxiridda siyaasiyiinta mucaaridka ah ee Suuriya waxaana xorriyaddii lagala noqday saxaafaddii. Sannadkii 2007 doorasho la qabtey waxa uu Bashaar helay 97% codadka la dhiibtey taana waxa aad u dhaliiley mucaaridka.
Markii la gaarey sannadkii 2011 waxa Suuriya ka bilaabmey bannaanbaxyo looga soo horjeedo nidaamka ilma Asad lana mid ahaa kii ka dhacey waddamada Carbeed ee loogu magacdarey Gu’gii Carabta.
Bashaar iyo taliskiisii waxa ay taa kaga jawaabeen dil iyo xabbad isla markaana waxa ay ku tilmaameen bannaanbaxayaashii argagixiso. Ka dib dhowr iyo toban sano oo halaag ah waxa dhawaan markale curtay ama dardar la soo baxey mucaaridka dalkaas ee sunniyiinta u badnaa lana barakaciyey mar hore.
Dabayaaqadii November ee sannadkan ayaa Mucaaradka Suuriya oo gacanta ku hayey Waqooyi-galbeed ay si lama filaan ah dagaal ugu qaadeen saldhigyada ciidamadii Bashaar ee Xukuumadda Suuriya iyo xulafadeeda.
Dagaalkii la soo bilaabey 27 November waxa uu ku soo idlaadey 7 December iyo qabsashada xaruntii maamulka waa magaalada Dimishq eh.
Si kastaba ha ahaatee halkaa waxa kusoo idlaadey 54sano oo qoyska ilma Asad ee daalimiinta ahi ku amar ku taaglaynayeen Suuriya.