Dawladda Federaalka oo cambaareysay hubka ay Xabashidu ka dejisay magaallada Kismaayo.

Monday December 09, 2024 - 09:43:33
Liibaan Jeexoow
Xilli uu kasii darayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay kooxda Villa Soomaaliya iyo dowladda Xabashida Itoobiya, ayay kooxda Xassan Sheekh cambaareysay saanado hub ah oo laga soo dejiyay magaalada Kismaayo.
Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay in dowladda Xabashidu ay maleeshiyo ku diyaarinayso deegaannada ay xoogga ku haysato, kuwaas oo uu sheegay inay u adeegsanayso inay kula dagaallanto danaha maamulkiisa ee gobolka Gedo.

Wuxuu dhanka kale sheegay inay dowlada Itoobiya hubeynayso maamul-goboleedyada, wuxuu sheegay inay horay dowladda Itoobiya hub usoo gelisay deegaannada maamullada Galmudug iyo Puntland, Sabtidiina ay diyaarado sidda saanado hub ah kasoo dejisay Kismaayo.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta, ayaa sidoo kale sheegay in xubno saraakiil Itoobiyaan ah ay Itoobiya kasoo dejisay garoonka Kismaayo, kadib-na ay diyaaraddu sii qaadday madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Itoobiya, waxay maalmihii lasoo dhaafay ciidamo fara badan oo dheeraad ah kusoo daabushay Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay ku taageerayso maamul-goboleedka Axmed Madoobe ee xiisadda culus kala dhaxayso maamulka Xassan Sheekh Maxamuud.

Related Items

Update cookies preferences