Saacado yar kadib shalay markii ay xooggga kacdoonka Suuriya ku guuleysteen in ay ridaan nidaamkii mujrimka ahaa ee Bishaar Al-Asad ayay xaalad qoob-gariir ah usoo gashay qaar ka tirsan dabadhilifyada caalamka.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa walaac ballaaran ka muujiyay furashada weyn ee ka xasishay dalka Suuriya.
Cali Daahir Ciid oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka isku magacaabay Galmudug ayaa sheegay in waxa ka dhacay Suuriya wax lamid ay sugayaan Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada shisheeyaha ku daaban.
Wuxuu isbarbardhig ku sameeyay dowladdii Suuriya ee sida aadka ah ugu tiirsaneed ciidamada shisheeye sida Iiraan iyo Ruush-ka iyo dowladda Soomaaliya ka jirta oo gebi ahaanteedba ku tiirsan ciidamada shisheeye.
"Waxa ka dhacay Suuriya iyo Afganistaan waxay farriin cad u tahay Soomaaliyaa,Ciidan shisheeye oo la isku haleeyo waxaa ka fiican in aad dhisato ciidamo aad la dhisto" ayuu yiri Cali Ciid.
Dhammaan maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira Soomaaliya waxaa magaalooyin cayiman ku ilaaliya ciidamo Itoobiyaan, Kenyaan, Ugandheys ama Burundeys ah.
Cali Ciid oo kaliya ma ahan kuwa walaaca nuucaan ah qaba ee xildhibaan C/raxmaan Cabdishakuur ayaa isna aaminsan in haddii ciidamada shisheeye ay Soomaaliya ka baxaan ay Al-Shabaab la wareegi doonto talada wadanka.